Ku saabsan tallaallada COVID-19
Qof kasta oo Australiya jooga oo jira 5 sannadood iyo ka weyn wuxuu ballansan karaa tallaalkooda hadda.
Tallaalka COVID-19 waa u bilaash qof kasta oo Australiya jooga. Tan waxaa ku jira dadka aan haysan kaadhka Medicare, booqdayaasha dibadda, ardayda caalamiga ah, shaqaalaha soogalootiga ah iyo magangalyo-doonka. Talaalka ayaa kaa caawin doona in adiga, qoyskaaga iyo bulshadaadaba laga ilaaliyo COVID-19.
Dowladda Australiya kama aaney dhigin mid khasab ah waxaadna dooran kartaa inaadan iska tallaalin COVID-19
Tusaale ahaan, qaar ka mid ah noocyada shaqada iyo qaar ka mid ah hawlaha bulshada. Tusaale ahaan, noocyada shaqada qaarkood iyo waxqabadyada bulshada qaarkood.
Talaalku waa badbaado
Tallaalada COVID-19 waa badbaado oo nafaha badbaadiya. Australia gudaheeda, Therapeutic Goods Administration (Maamulka Alaabta Therapeutic (TGA)) waxay sii wadaa inay si dhow ula socotid badbaadada iyo waxyeelada tallaalka COVID-19.
Baro wax badan oo ku saabsan tallaal kasta oo laga heli karo Australiya:
Tallaalada COVID-19 waxay barayaan jidhkaaga inuu ka takhaluso fayraska haddii aad la kulantid.
Haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama walaac ah tallaalka kadib, la xidhiidhi rugta caafimaadka ama dhakhtarkaaga tallaalka.
Wax badan ka baro waxa la filayo tallaalka kadib.
Yaa ay tahay in la tallaalo
Qof kasta oo jira 5 sannadood iyo ka weyn waa inuu iska tallaalaa COVID-19.
Qaadashada tallaalka COVID-19 waxay kaa ilaalinaysaa inaad aad u bukootid ama aad u dhimatid COVID-19.
Talaalka sidoo kale waxay kaa caawinaysaa ilaalinta dadka kugu xeeran iyadoo hoos u dhigaysa fiditaanka fayraska.
Si loogu tixgeliyo ilaa hadda tallaalka COVID-19, waa inaad qaadatay dhammaan dhooska lagu taliyey ee da'daada iyo baahiyahaaga caafimaad.
Laga bilaabo 5ta Sebteembar 2022, carruurta qaarkeed oo jirta 6 bilood ilaa 4 sanadood kuwaas oo difaacooda jirku aad u hooseeyo, qabana iin, ama xaallada qalafsan oo caafimaad taas oo siyaadinaysa khatar COVID-19 aad u xun ayaa xaq u yeellan doona talaalka COVID-19.
Ballanta waxay noqon doontaa mid dedgeg ah. Fadlan ha wicin dhakhtarkaaga si aad ballan u samaysato. Waan kula socodsiin doonaa marka ballamuhu ay furan yihiin iyo sida loo sameeyo.
Carruurta jira 6 bilood ilaa 4 sanadood waa inay qaataan.
- dhooska koowaad 1 iyo 2 ee tallaalka COVID-19
- dhooska aasaasiga ah ee 3 haddii aad si xun u qabtid immunocompromised (difaaca jidhka oo liita).
Carruurta jirta 5 ilaa 11 sanadood waa inay qaataan:
- dhooska koowaad 1 iyo 2 ee tallaalka COVID-19
- dhooska aasaasiga ah ee 3 haddii ay si xun u qabtid immunocompromised (difaaca jidhka oo liita).
Carruurta jirta 12 ilaa 15 sanadood waa inay qaataan:
- qadarka asaasiga ah 1 iyo 2 oo ah talaalka COVID-19
- Qadarka asaasiga ah ee 3 haddii uu difaacoodu aad u liito.
- qadar xoojiye ah oo ah talaalka COVID-19 haddii uu:
- difaacoodu aad liito
- aad qabaan iin aad u weyn ama baahiyaha caafimaad ee qalafsan
- aad qabaan xaallada qalafsan iyo/ama xaallada caafimaad oo kala duwan oo siyaadiya khartarta COVID-19.
La hadal dhakhtarkaaga haddii aadan hubin in ilmahaagu heli karo taageero.
Qof walba oo jira 16 sanadood ama ka weyn waa in uu hellaa:
- Qadar asaasi ah 1 iyo 2 oo ah talaalka COVID-19
- Qadarka aasaasiga ah ee 3 haddii difaacoodu aad u liito
- Qadar xoojiye ah oo talaalka COVID-19.
Afar qadar
Xoojiyayaal siyaada ah, ama qadarka afraad, oo ah talaalka COVID-19 waxaa loogu talagalay dadka khatartoodu sarrayso oo leh jiro aad u daran, waana in la siiyaa 3 bilood ka dib xoojiyahooda ugu horreeya.
Kani wuxuu noqon doonaa qadarkooda shanaad dadka difaacooda jirku hooseeyo, leh xaallad caafimaad oo jirta ama iin.
Waxaa waajiba inaad qaadato qadarka afraad haddii aad:
- Jirto 50 sanadood ama ka weyn
- degan daryeelka dadka da'da ah ama xarunta iinta
- Aad u hooseeyo difaaciisu (kana wuxuu noqonaya qadarka shanaad)
- Aborijinal ama Torres Strait Islander jira 50 sanadood ama ka weyn
- 16 sanadood ama ka weyn oo qaba xaallad caafimaad taas oo siyaadin karta khatarta jirada COVID-19
- Jira 16 sanadood ama ka weyn oo qaba iin ama xaallada caafimaad oo aad u qalafsan.
Dadka jira 30 ilaa 49 sanadood ayaa qaadan kara qadarka afraad haddii ay go'aansadaan.
La hadal dhakhtarkaaga haddii aadan hubin inay tahay inaad qaadato qadarka afraad.
Haddii lagaa hellay COVID-19 waxaa lagu talinayaa inaad sugto 3 bilood ka dib infakshanka COVID-19 ka hor inta aadan qaadan qadarka talaalka COVID-19.
Dadka uu ku dhacay COVID-19 ka dib markii ay xoojiyahooda ayaa laga rabaa inay sugaan ugu yaraan 3 bilood ka hor inta aanay qaadan qadarka afraad.
Waa muhiim inaad la socotid tallaaladaada COVID-19. Dad kala duwan ayaa laga yaabaa inay u baahdaan tallaalo COVID-19 kala duwan waqtiyo kala duwan. La hadal bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga si aad u heshaan adiga iyo qoyskaaga waxaad u baahan tihiin inaad samaysaan si aad ula socotaan wararka cusub.
Carruurta
Tallaalka COVID-19 waa badbaado carruurta.
Carruurta talaalka ayaa kaa caawin kara in ay ka hortagaan in ay u gudbiyaan fayraska walaalaha ka yar, awoowayaasha, iyo bulshada kale.
Baro wax badan oo ku saabsan COVID-19 tallaalada carruurta iyo kurayda.
Haweenka uurka leh ama naaska nuujinaya
Tallaalka COVID-19 waa badbaado haddii aad uur leedahay, naas nuujinaysid, ama aad qorshaynayso uur. Waxaad heli kartaa tallaalka marxalad kasta oo aad uurka leedahay.
Wax badan ka baro uurka, naasnuujinta, iyo tallaalada COVID-19.
Dadka naafada ah
Dadka naafada ah waxay la kulmaan halis weyn oo ah cudur halis ah oo ka imanaya COVID-19 waana in la tallaalaa.
Haddii aad dooneysid caawimo ama taageero dheeraad ah, waxaad wici kartaa khadka caawinta ee Gateway 1800 643 787. Waxay kuu samayn karaan ballan.
Haddii aad u baahan tahay turjumaan, wac Adeegga Turjumaada iyo Af-Celinta 131 450 oo weydii inay wacaan Kadinka Iinta.
Dadka qaba arrimo caafimaad oo jira
Dadka qaba arrimaha caafimaadka ee jira waxay halis weyn ugu jiraan xanuun halis ah oo ka imanaysa COVID-19 waana in la tallaalaa.
Kala hadal bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga sida ugu fiican ee xaaladaada.
Halkee laga tallaalayaa
Waxaad ka heli kartaa tallaalka COVID-19:
- Commonwealth Rugaha talaalka (Dawlada Dhexe)
- dhakhtarada guud ee kaqaybqaadaneya
- Aboriginal Controlled Community Health Services
- rugaha talaalka gobolka iyo taritoriga, iyo
- farmasiiyada ka qayb qaadanaya.
Dhakhaatiirta guud kuma saari karo lacag oo tallaalka ah.
Si aad u heshid rugta tallaalka ee kuugu dhow iyo inaad ballansatid tallaalkaaga, isticmaal Vaccine Clinic Finder. Haddii aad u baahan tahay turjubaan taleefoon ama goob-joogga ah waqtiga ballanta tallaalkaaga, wac Adeegga Turjumidda iyo Af-Celinta 131 450.
Haddii aadan haysan kaadhka Medicare
Haddii aadan haysan kaadhka Medicare, waxaad ka heli kartaa tallaalkaaga bilaashka ah:
- Rugaha talaalka Dawlada Dhexe
- rugaha tallaalka ee gobolka ama territoriga
- farmasiiyada ka qayb qaadanaya.
'Hey Eva' - Helitaanka Tallaalka Fudud
EVA, waa adeeg dib-u-wareysi fudud oo dadka ka caawiya inay ballansadaan tallaalka COVID-19. EVA waxay shaqeysaa 7am ilaa 10pm (AEST), 7 maalmood todobaadkii.
Markaad fariin u dirtid EVA waxaad heli doontaa jawaab ku weydiinaysa:
- magac
- luqadda la door biday
- taariikhda iyo wakhtiga la door biday
- nambarka ugu fiican ee dib loogu soo waco.
Hawl wadeen tababaran oo ka socda Khadka Caawinta Coronavirus ee Qaranka ayaa ku soo wici doona wakhtiga la qorsheeyay si uu kaaga caawiyo ballan-qaadka tallaalka COVID-19.
EVA waxay bixisaa macluumaad iyo talo ku saabsan tallaallada COVID-19 waxayna ka caawisaa:
- bixinta macluumaad iyo talo ku saabsan tallaallada COVID-19
- kaa caawinta inaad heshid xarun talaal oo aad iska iman kartid
- kaa caawinaya inaad hesho ballan tallaal oo habboon
- ku xidhidhiyaha taageerada tarjumaada bilaashka ah.
Si aad u heshid caawimo samaysashada ballansashada tallaalka COVID-19, SMS 'Hey EVA' ku dir adeegyada dib u wac EVA 0481 611 382. EVA waxay shaqeysaa 7am ilaa 10pm (AEST), 7 maalmood todobaadkii.
Kahor tallaalkaaga COVID-19
Haddii aanad hore u samayn, ballan qabso.
Haddii aad haysatid kaadhka Medicare, hubi in faahfaahintaadu ay cusub tahay:
- iyada oo loo marayo Medicare onlayn akoonkaaga iyada oo loo sii marayo myGov
- gudaha Express Plus Medicare
- adoo wacaya Adeegyada Australia.
Waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad buuxisid foom ogolaansho ka hor ballantaada, ama haddii aad samaynaysid go'aanka tallaalka qof kale.
Akhri foomka ogolaanshaha.
Akhri foomka macluumaadka iyo oggolaanshaha ee carruurta da'doodu tahay 5 ilaa 11 sannadood.
Kadib tallaalkaaga COVID-19
Waxaa lagula socon doonaa ugu yaraan 15 daqiiqo ka dib tallaalka haddii ay dhacdo fal-celin xasaasiyadeed oo naadir ah. Qofka ku siinaya tallaalka waxaa loo tababaray inuu ka jawaabo falcelinta degdegga ah.
Caadi ahaan waxyeellooyinka ka yimaada tallaallada COVID-19 waa kuwo fudud waxayna ku dhammaadaan 1 ilaa 2 maalmood gudahood. Dhibaatooyinka caadiga ah waxaa ka mid ah:
- cudud xanuun meesha irbada lagu mudey
- daal
- madax xanuun
- murqo xanuun
- xumad iyo qarqaryo.
Sida dawo kasta ama tallaal kasta, waxaa jiri kara waxyeellooyin naadir ah ama aan la aqoon. Haddii aad u maleyneysid inaad leedahay saameyno xunxun la xidhiidha xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka, ama National Coronavirus Helpline (Khadka Caawinta Coronavirus ee Qaranka).
Haddii aad u baahan tahay turjumaan, wac Khadka Caawinta Coronavirus ee Qaranka oo dooro doorashada 8.
Caddaynta tallaalka
Waxaad heli kartaa caddaynta tallaalkaaga COVID-19 markaad gashid Bayaanka Taariikhda Tallaalka.
Waxaad heli kartaa Qoraalkaaga Taariikhda Tallaalka (Immunisation History Statement):
- onlayn, adiga oo soo dejisanaya myGov akoonkaaga ka dibna gelaya Medicare onlayn ee akoonkaaga
- iyada oo loo marayo Express Plus Medicare mobile app.
Haddii aadan haysan kaadhka Medicare, ama aadan geli karin akowanka myGov, waxaad ka heli kartaa Bayaanka Taariikhda Tallaalka:
- adiga oo weydiineya bixiyahaaga tallaalka inuu kuu daabaco nuqul
- adoo wacaya khadka weydiimaha Diiwaanka Talaalka Australiya 1800 653 809 (8 subaxnimo - 5 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha AEST) oo waydiisid inay bayaankaaga kuugu soo diraan boostada. Waxay qaadan kartaa ilaa 14 maalmood in ay ku yimaado boostada.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo caddaynta tallaalladaada COVID-19, eeg website-ka Adeegyada Australiya.
Xagee loo doontaa macluumaadka lagu kalsoon yahay
Waa muhiim in lala socodsiiyo COVID-19 iyo barnaamijka tallaalka COVID-19 iyada oo loo marayo ilo rasmi ah oo la isku halleyn karo.
Jawaabaha su'aalaha caadiga ah ee ku saabsan tallaallada COVID-19 ayaa lagu heli karaa 63 luqadood.
information pack ka kooban agab luqadeed oo ku saabsan tallaallada COVID-19 ayaa diyaar ah.
Akhri macluumaadka ku saabsan COVID-19 luqadaada.