Goorta ay tahay in baaritaanka la sameeyo
Waa inaad baaritaanka sameysaa haddii aad leedahay wax calaamadaha COVID-19 ka ah.
Noocyada baaritaanka COVID-19
Waxaa jira 2 nooc oo baaritaanno ah oo lagu ogaan karo haddii aad qabto fayraska COVID-19:
- baaritaanka degdega ah ee qofku uu isaga iska qaadi karo (rapid antigen self-tests - RATs)
- falcelinta silsiladda polymerase (PCR, ama RT-PCR)
Wax badan ka baro sida baadhitaanka COVID-19 uu u shaqeeyo.
Meesha aad baaritaanka ku sameyn karto
Waxaad ku samayn kartaa baaritaanka RAT guriga. Farmashiyeyaasha, ama dukaamada tafaariiqda oo ay ku jiraan dukaamada waaweyn iyo kaalmaha shidaalka qaarkood ayaa iibiya baaritaanadan.
Akhri hagaha:
Si aad u hesho baaritaanka PCR, waxaad u baahan doontaa inaad la xiriirto GP-gaaga si uu kuugu gudbiyo ama aad booqato rugta baarista COVID-19 haddii laga heli karo gobolkaaga ama territorigaaga.
Booqo waaxda caafimaadka deegaankaaga si aad u hesho liiska rugaha caafimaadka ee kuu dhow.