Is tallaal
Tallaalada COVID-19 waxay ku siin doonaan difaac-kordhin ka hortagta jirro aad u daran oo ka imaada COVID-19. Waxaan raacnaa talada Kooxda La-talinta Farsamada ee Australia (Australian Technical Advisory Group - ATAGI) kuwaas oo soo jeediya talooyin ku aadan dadka ay tahay inay tallaalka qaataan.
Inay kuu dhameystiran yihiin talaaladaada waxay ku siinaysaa difaaca ugu fiican.
Xiro maaski marka loo baahdo
Xirashada maaskiga wajiga waxay gacan ka geysan kartaa in adiga iyo dadka kugu xeeran ay xafidnaadaan.
Maaskiyada wajiga waxay joojiyaan fayrasyada inay ku faafaan hawada. Tani waxay ka dhigan tahay in suurtagalnimada laga yaabo inaad qaaddo ama faafiso fayraska ay tahay mid yar.
Gobolada iyo dhulalka waxay leeyihiin sharciyo kala duwan marka ay tahay inaad xidhato maaski. Ka hubi website ka degaankaaga waaxda caafimaadka ee degaankaaga si aad u hesho taladii u dambaysay.
Waa fikrad wanaagsan inaad xidhato maaskiga wajiga marka:
- aad ku sugan tahay gudaha goobaha dadweynaha oo ay ku jiraan gaadiidka dadweynaha, rugaha caafimaadka iyo isbitaallada
- marka aadan awoodin inaad jir ahaan ka fogaato dadka kale
- waxaad natiijada baaritaankaagu noqoto mid togan, ama aad u malaynayso inaad qabto COVID-19, oo aad u dhowdahay dad kale.
Si aad si sax ah u isticmaasho maaskiga wajiga waa inaad:
- dhaq ama nadiifi gacmahaaga ka hor inta aadan xiran ama aadan iska bixin
- hubi inuu daboolo sankaaga iyo afkaaga oo uu si fiican ugu fadhiyo gadhkaaga hoostiisa
- iska ilaali inaad taabato afka hore ee maaskiga markaad xidhan tahay ama iska bixinayso
- meel dhig - ha ku xidhin qoorta ama sankaaga hoostiisa
- isticmaal maaski cusub oo hal mar la isticmaalo markiiba
- dhaq oo engeji maaskiyada dib loo isticmaali karo ka dib markaad isticmaasho oo ku kaydi meel nadiif ah oo qalalan.