Downloads
Rugaha Caafimaadka Daryeelka Degdega ah ee Medicare waxay ku yaaliin Australia oo dhan waxayna u sahlaan helitaanka biilka dawlada lagu dalaco, iyo daryeelka caafimaadka degdega ah.
Hore ayaa loo furaa goor dambana waa la xiraa maalin kastaa, umana baahnid ballan ama in lagu soo gudbiyo.
Daryeelka degdega ahi waa markaad u baahan tahay dareen caafimaad jirro ku heyso ama dhaawac aan sugi karin ballan caadi ah oo GP, laakiinse aan u baahneyn daryeel degdeg ah ama aan ahayn dhaawac ama jiro naf ka dhawr ah.
Waxyaalaha laga yaabo inay leeyihiin baahida daryeelka caafimaad ee degdega ah oo ay ku jiraan jabniin ka yar iyo murkucashada, caabuqa jirka; jirooyinka neefsiga; gubashada yar; xannuunka caloosha ee daran; ama caabuqada kaadi mareenka.
Dhaawacyada ama jirooyinka naf ka dhawrka ah ama dedega ahi waxay u baahan yihiin daryeel caafimaadka ee Isbitaal ama waaxda xaalada degdega ah.
Tusaale, waxyaalaha sida xabad/laab xannuun, dhibka neefsiga, gubasho daran, sumow, dareenka oo luma, iyo suuxdino.
GP-gaaga xaafada waa meesha ugu horeysa ee aad kala xiriiraysid wixii ah joogto ah iyo daryeelka caafimaadka waxyaalaha laga hortegi karo. GP-yada qaarkood sidoo kale waxay bixiyaan ballan isla maalintaas.
Si aad u heshid Rugta caafimaad ka Daryeelka Degdega ah ee Medicare ee kuugu dhow, booqo health.gov.au/MedicareUCC.