Downloads
Rugaha caafimaadka Daryeelka Degdega ah ee Medicare waxay ku yaalaan Australia oo dhan waxayna fududeeyaana helitaanka daryeelka degdega ah, laakiinse aan ahayn dhaawacyada iyo jirooyinka naf ka dowrka ah.
Laakiinse sidee ku og tahay waxa degdega ah iyo waxaan degdega ahayn?
Haddii aad qabtid jiro ama dhaawac u baahan caawimo caafimaad, waxaa jira saddex su’aalood oo aad isweydiin kartid ka hor intaadan go’aansan meeshii aad caawimaad ka doonan lahayd.
Ma naf ka dhawrbaa oo miyaan u baahan ahay daryeel xaalad degdeg ah?
Ma wax GP -gaaga ama kalkaalisadu ay daaweyn karaanbaa?
Ma sugi karaa ilaa aan ka helo ballan aan ku arko GP-ga xaafadayda?
Haddii aysan ahayn xaalad degdeg ah laakiinse aadan sugi karin ballan joogta ah ee GP-gaaga taasi waa arinta Rugta caafimaadka Daryeelka Degdega ah ee Medicare.
Rugaha caafimaadka Daryeelka Degdega ah ee Medicare ku waxay furan yihiin goor hore waxaana la xiraa goor dambe maalin kasta, adeegyada waxaa lagu dalacaa Medicare umana baahnid ballan ama soo gudbin.
Si aad u heshid Rugtaada caafimaadka Daryeelka Degdega ah ee kuugu dhow ee Medicare ka, booqo health.gov.au/MedicareUCC.