Socdaalka gudaha Australia ah
Ka hubi shabakadaha waaxyaha caafimaadka deegaankaaga wixii macluumaad ah ee ku saabsan safarka:
Safarka dibadda
Khatarta caafimaad ee COVID-19 ee gudaha Australia iyo dibaddaba wali waa mid sii socota. Waxaan si adag ugu talinaynaa xidhashada maaskiga iyo inaad is tallaasho markaad u safrayso wadanka dibadiisa. Waa inaad la imaadaa dhaqan wanaagsan oo ku aadan qufaca iyo nadaafadda gacmaha, iyo inaad ka fogaanshaha dadka kale haddii ay suurtagal tahay.
Waddamada qaarkood, shirkadaha diyaaradaha iyo hawl-wadeennada maraakiibta ayaa laga yaabaa inay u degan yihiin shuruudaha safarka ee COVID-19. Kuwaas waxaa ka mid noqon kara in aad u baahato natiijada baaritaanka ka hor inta aanad raacin diyaaradda ama markabka. Hubi shuruudaha gelitaanka ee labadaba:
-
dalka aad u safrayso, ama midka aad sii dhex marayso
-
shuruudaha u degan diyaaradda ama markabka.
Ilaha:
Australiyaanka kusoo laabanaya dalkooda
Xuduudaha Australia way furan yihiin, mana jiraan wax shuruud ah oo ay Dawlada Australia u baahan tahay:
- la imoow caddaynta natiijada baaritaanka COVID-19 ee neegatiif (negative) ka ah markaad Australia timaado
- keenso caddaynta tallaalka COVID-19
- xidho maaski, inkasta oo ay taasi tahay wax dadka lagu dhiirigaliyo.
Caymiska safarka
Caymiska safarka waa muhiim haddii aad la bukooto COVID-19 intaad wadanka dibaddiisa joogtid. Hubi in caymiskaaga uu kujiro:
- meelaha aad taransitka ku tahay
- uu kujiro COVID-19
- waxyaabaha kale ee lagu darsan karo sida caymiska safarka ee gaarka ah.
Meelaha qofku u safrayo qaarkood waxay sidoo kale u baahan yihiin dadka safarka ah inay haystaan caymiska safarka taas oo shuruud looga dhigayo gelitaanka.
Safarka dalxiiska ee markabka
Ka hubi shirkada dalxiiska bixinaysa shuruudaha safarka ee ugu dambeeyay ee markabkaaga iyo sidoo kale meesha aad ku socotid.
Tallaalka
Ma jiraan wax shuruud ah oo ay dawladda Australia uga baahan tahay dadka la socda markab dalxiis oo ah inay tallaalan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu ku talinaynaa:
- Tallaalka COVID-19, maadaama aad halis ugu jirto inuu kugu dhaco cudur daran iyo COVID-19 muddo dheer soconaya haddii aadan is tallaalin.
- inaad ka fiirsato safarkaaga aad ku safrayso markab dalxiis haddii aadan is tallaalin.
Xanuunada ka dillaaco markab
Maraakiibta dalxiisku waxay leeyihiin khatar sare oo faafinta cudurrada marka loo eego noocyada kale ee safarka. COVID-19, hargabka, iyo cudurrada kale ee faafa ayaa si fudud ugu faafa dadka ku nool iyo kuwa kuwada kulma meelo isku dhow.
Haddii ay dhacdo inuu COVID-19 ka dillaaco markabkaaga, waxaa laga yaabaa inaad u baahato:
- markabka inaad isku karantiilto
- inaad ka degtid oo aad raacdo shuruucda deegaanka ee gobolka ama territoriga ama dalka aad joogto.
Kahor intaadan safrin, hubi talada Smartraveller ee ku aadan maraakiibta. La xidhiidh wakiilkaaga socdaalka ama hawlwadeenada safarka markabka si aad u hesho macluumaad gaar ah oo ku saabsan borotokoolka badbaadada COVID-19.
Dawladaha gobolka iyo territoriga waxay horumariyaan oo cusboonaysiiyaan borotokoolka caafimaadka shaqada ee taageera socdaalka safarka maraakiibta ee Australia.
Nidaamyada safarada maraakiibta dalxiiska waxay sidoo kale gacan ka geystaan dhimista khatarta gudbinta COVID-19 ee maraakiibta dalxiiska, oo ay ku jiraan:
- Shuruudaha tallaalka ee rakaabka
- qorshayaasha maaraynta cudurada dillaaca
- Qorshayaasha badbaadada COVID-19.
Socdaalka caalamiga ah ee Australia
Xuduudaha Australia way furan yihiin, mana jiraan wax shuruud ah oo ay Dawlada Australia u baahan tahay:
- la imoow caddaynta natiijada baaritaanka COVID-19 ee neegatiif (negative) ka ah markaad Australia timaado
- keenso caddaynta tallaalka COVID-19
- xidho maaski, inkasta oo ay taasi tahay wax dadka lagu dhiirigaliyo.
Wax badan ka baro gelitaanka iyo ka bixitaanka Australia.