Karoona fayras (COVID-19)

Wax ka baro coronavirus (COVID-19), tillaabooyinka muhiimka ah ee ay tahay inaad qaaddid si aad gacan uga geysatid ilaalinta naftaada, qoyskaaga iyo bulshadaada, oo aad ogaatid waxaad samayn lahayd haddii adiga ama xubin qoyskaaga ka mid ah laga helo cudurka.

Wixii ku saabsan COVID-19

COVID-19 waa cudur uu keeno coronavirus, SARS-CoV-2 Dadka qaar waxa ay u keentaa xanuun fudud, laakiin qaar kale waxa ay u keeni kartaa xanuun daran iyo dhimasho.

Astaamaha COVID-19

Dadka badankiis COVID-19 waxay yeeshaan astaama sahlan Kuwaas waxaa lagu maareyn karaa daawooyinka xanuunkaaga joogtada ah.

Hubi astaamaha xanuunkaaga

Astaamaha guud  Astaamaha aan caamka ahayn Astaama aad u daran

xumad ama xaraarad aad u sarraysa

madax xanuun

neefsashada oo kugu adkaata

dareemid daal badan cuna xanuun bushimaha ama wajiga oo buluug noqda
qufac - mararka qaarkood xaako neefsashada oo dhib kugu ah  xanuun ama daqdi laabta ah
lumin dhadhanka iyo/ama urka xanuuno ah muruq ama kalagoysyka  qabow iyo qoyaan, ama midab iyo miir, jiidhka
duuf sanka ah miyir beelid ama dhicid
qadhqadhyo aad isku buuqsan tahay
lalabo/matag kicida oo kugu adkaata 
shuban kaadida oo yar ama kaadi la'aan 

Haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadaha aadka u daran oo sareeeya, markiiba wac 000. U sheeg kala hagaha telefoonka in aad qabto COVID-19 leh astaama aad u daran, aadna u baahan tahay ambalansi in laguu soo diro. 

Wac 000

Haddii aadan ku hadlin Af-Ingiriisiga weydiiso 'ambalaas' oo joog khadka si aad u codsatid turjumaan.

Haddii aad weli leedahay astaamaha COVID in ka badan lix asbuuc ka dib markii lagugu arkay inaad qabto, la hadal kuwa bixiya adeegaaga caafimaadka. 

Sida loo difaaco naftaada ama kuwa kale

Qof walbaa waa ka qaybqaadan karaa fidinta COVID-19. Si looga xafido kuwa kale iyo naftaada, waxaa waajib ah: 

  • inaad guriga joogto haddii aadan fiicanyn
  • ku dhaqan nadaafadda wanaagsan
  • ku dhaqan kala fogaanshiyaha jidhka iyo ka fogaanshaha 1.5 mitir dadka kale
  • xidho maaska
  • Isbaar haddii aad qabtana waxaa lagugula talinayaa inaad guriga joogto. 

Sida ugu fiican oo lagu xafidi karo naftaada, qoyskaaga iyo bulshada COVID-19 waa istalaal.

Dadka khatarta sare ugu jira

Dadka qaarkiis ayaa laga yaabaa inay jiradaan haddii uu ku dhacao COVID-19. Dadka khatarta sare ugu jira waxaa ka mid noqon kara:

  • dadka waaweyn
  • dadka hore u lahaa xaallado caafimaad
  • Dadka Aborijiniska iyo Torres Strait Islander
  • dadka iinta leh.

Iska baarida

Haddii aad qabto astaamaha COVID-19, xataa hadduu sahlan yahay, waa inaad isbaartaa sida ugu dhaqsaha badan. 

Waxaa jira 2 nooc oo baaritaana ah oo muujin kara haddii aad qabto COVID-19: 

  • Ri-akshanka silsilada polymerase, ee loo yaqaan PCR 
  • Tijaabooyinka antigen ee degdeg ah - oo loo yaqaan RAT. 

Haddii aad u baahan tahay baaritaan, dhakhtarkaaga ama daryeelka caafimaadka ayaa kuu codsan kara adiga. 

Waxaad ka iibsan kartaa baadhitaanka antigen-ka degdega ah ee online-ka, dukaamada waawayn qaarkood, dukaamada tafaariiqda iyo kaalmaha shidaalka ee isticmaalka gaarka ah.

Goorma ayaa la is baaraa

Waa inaad samayska baaritaanka COVID-19 -haddii: 

  • qabto astaamaha COVID-19 - xataa haddii astaamuhu sahlan yihiin 
  • waxaad qabtaa COVID-19 waxaadna yeellatay astaamaha cusub oo COVID-19 ka dib 28 berri
  • waxaa kugula taliyay xirfadle caafimaad.

Baadhitaan kaaga ka dib

Markaad isbaarto ka dib, waa inaad guriga joogtaa haddii aad qabto astaamaha si hoos loogu dhigo inaad qaadsiiso kuwa kale. 

Wax badan ka baro in lagaa baadho COVID-19.

Maxaa la sameeyaa haddii lagaa helay xanuunka

Haddii lagaa hello COVID-19, waa inaad joogtaa guriga ilaa astaamahaagu istaagaan. 

Waa in aadan booqan xaallada khatartu sarrayso sida adeega daryeelka dadka qaba iinta, iyo isbitaalada, haddii aadan u baahnayn daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Talo intaas ka badan wixii laga samayn lahaa haddii cudurka lagaa hello COVID-19 booqo gobolkaaga ama websaytka caafimaadka gobolkaaga ama territorigaaga. 

tallaalka COVID-19

Haddii aad qabto COVID-19 aadana ka soo kabsan, weli waa inaad qaadataa talaalka COVID-19 ee ku xiga.

Waxaa lagu talinayaa in dadka ka soo ladnaaday COVID-19 ay qaataan talaalkooda lixda bilood ee ku xiga 6 bilood ka marka lagaa hello infakshanka. 

Xaalladaha badankood COVID-19 waa lagu maarayn karaa guriga - khaasatan dadka la talaalay. Akhri wax badan oo ku saabsan waxa la filayo:

Naasnuunjinta haddii aad qabto COVID-19

Haddii aad dareentid inaad fiican tahay, waad sii wadan kartaa naas-nuujinta. Difaaca jirka ayaa kaaga gudbin doona ilmaha. 

Haddii aad ka welwelsan tahay, ama aad su'aalo qabtid, waxaad wici kartaa Khadka Caawinta Naasnuujinta. Khadka caawinta waxa la heli karaa 24 saac maalintii, 7 maalmood ee asbuuca. 

1800 686 268

Haddii aad u baahan tahay mutarjum, wac Adeega Tarjumada iyo Afcelinta 131 450 weydiina iyaga inay wacaan khadka caawimaada Naasnuujinta. 

Haddii ilmahaagu uu qabo COVID-19

In laga hellay ilmahaaga COVID-19 waxa ay noqon kartaa mid dhib leh. Waa wax aan badanaa dhicin in carruurtu u jirato COVID-19. Carruurta badankeed ma yeellan doonaan astaamo, ama kuwa sahlan keliya.

Haddii aad ka welwelsan tahay wax ku saabsan ilmahaaga astaamihiisa la xiriir dhakhtarkaaga sida ugu dhaqsaha badan.

Haddii ilmahaagu muujinayo astaama aa u daran, wac 000 isla markiiba. Haddii aadan ku hadlin Af-Ingiriisi, weydiiso 'ambalaas' oo joog khadka si aad u codsatid turjumaan.

COVID-19 dawaynta afka

Waa xal af ka daaweyntu COVID-19 si loo daweeyo COVID-19 sahlan oo dadka waaweyn. Kuwani waa dawooyin loo qaato kaniini ama kaabsol ahaan.

Af ka daaweynta COVID-19 kuma haboona qof walba. Waxaad heli kartaa oo kaliya haddii aad haysatid warqad dhakhtar.

Ogow macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan daaweynta COVID-19.

Halka kaalmo laga hello

Khadka Qaranka ee Coronavirus wuxuu bixiyaa macluumaad iyo talo ku saabsan wixii la samayn lahaa haddii lagaa hello COVID-19. Khadku waxa uu shaqeeyaa 24 saac maalintii, 7da maalmood ee asbuuca.

1800 020 080

Haddii aad u baahan tahay mutarjum, wac Khadka caawimada Coronavirus-ka Qaranka oo dooro xalka 8aad .

Kaalmo dhaqaale

 Kaalmo dhaqaale ayaa laga yaabaa in la helli karo. Booqo Services Australia oo riix 'Translate' si aad u hesho macluumaad luqadaada ku qoran. 

Kaalmada Jireed iyo caafimaadka dhimirka

Haddii aad leedahay kaarka Medicare waxaa laga yaabaa inaad hesho adeegyada caafimaadka ee durugsan iyada oo loo marayo telefoon ama Fiidiyow.

Haddii ay ku haysato xaallad dhimir oo COVID-19, waxaad geli kartaa fadhiyada caafimaadka dhimirka oo siyaada ah. 

Si aad u samaysato balan telehealth ah ama inaad gasho fadhiyada caafimaadka dhimirka wac bixiyaha daryeelka caafimaadka.

Haddii aad hadda u baahan tahay caawimo

Haddii aad u baahan tahay caawimo hadda waxaa jira adeegyo badan oo caafimaadka dhimirka oo aad wici karto. 

Haddii aadan ku dareemayn badbaado guriga sababo la xidhiidha rabshada qoyska la xidhiidh booliiska gobolkaaga ama territorigaaga ama wac 1800 RESPECT (1800 737 732).

TIS National (Qaranka) waxey kugu xidhi karaan adeegan haddii aad u baahan tahey turjubaan.

131 450

Ilaha

Date last updated:

Help us improve health.gov.au

If you would like a response please use the enquiries form instead.