Ku saabsan Coronavirus (COVID-19)

Wax ka baro cudurka COVID-19 iyo halka aad ka heli karto inta ay tahay tirada kiisaskii ugu dambeeyay.

COVID-19 waa cudur uu keeno coronavirus, SARS-CoV-2

Nuucyo badan oo kala duwan oo COVID-19 ayaa wali soo baxaya. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka mas'uul ah la socodka nuucyada kala duwan ee laga walaacsan yahay lana danaynayo.

Wax badan ka baro nuucyada kala duwan ee laga walaacsan yahay Australia.

Xaalada hadda

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay novel coronavirus (COVID-19) inuu yahay masiibo caalami ah 11-kii Maarso 2020.

Ku dhawaaqida masiibada COVID-19 wali waa mid taagan.

Wax badan ka baro cudurada faafa iyo sida aan u maareyno

calaamadaha xanuunka

COVID-19 waa cudur uu keeno fayraska coronavirus, SARS-CoV-2.

Calaamadaha COVID-19 waxay u kala duwanaan karaan mid fudud ilaa mid daran.

Dadka qaar ayaa si fudud u bogsada halka kuwa kalena ay aad u xanuunsadaan Haddii lagaa helo COVID-19 waxaad la kulmi kartaa:

  • qandho
  • qufac
  • cuna xanuun
  • neefta oo yaraata.

Macluumaad intaas ka badan, ka eeg xaashida xaqiiqda ee ogaanshaha calaamadaha COVID-19.

Dadka qaarkood ma dareemaan wax calaamada xanuunka ah (waa asymptomatic) laakiin wali way gudbin karaan fayraska.

Saamaynta muddada-dheer

Inta badan dadka laga helay COVID-19 si buuxda ayay u bogsadaan, laakiin dadka qaar ayaa laga yaabaa inuu ku dhaco COVID muddo dheer socda.

Calaamadaha COVID-19 ka muddada dheer socda way ka duwan yihiin kuwa COVID-19. Waxaad la kulmi kartaa:

  • daal zaaid ah (daal)
  • naqaska oo kugu yaraada, wadna garaac, laab xanuun ama cidhiidhi
  • dhibaatooyinka xusuusta iyo feejignaanta
  • isbeddelka dhadhanka iyo urta
  • kalagoysyada iyo murqo xanuunka.

Mararka qaarkood calaamadahani waxay socon karaan toddobaadyo ama bilo.

Wax badan ka baro COVID ka muddada dheer.

Date last updated:

Help us improve health.gov.au

If you would like a response please use the enquiries form instead.